Dhageyso:-RW Kheyre oo la kulmay Safiirrada Midowga Yurub ee Soomaaliya + Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan  wasiirrada arrimaha dibadda iyo qorshaynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Axmed Ciise Cawad iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada Muqdisho u fadhiya dalka xubnaha ka ah midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirrada ayaa ka wada hadlay joogtaynta taageerada midowga Yurub ee Soomaaliya , waxaana kulanka sidoo kale safiirradu ku boggaadiyeen horumarrada ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya.

Kulanka dhex maray ra’iisul Wasaare Khayre iyo safiirrada dalalka Midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa safiirradii  goob joogga ka ahaa danjirayaasha  Austria, Belgium, Denmark, France, Finland, Germany, Ireland, Italy, Spain, Sweden, Netherlands iyo boqortooyada Ingiriiska.

 Hoos ka Dhageyso Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media