Ra’isul wasaaraha xukuumada soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada hoosyimadaada dowladda federaalka, guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo guddiga gurmadka abaaraha, waxaana kulankaasi madaxdu ay uga hadleen gurmadka baaraha iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay saameysay abaarta ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka.
Guddiga gurmadka abaaraha heer qaran ayaa warbixin ka bixiyey xaaladaha abaaraha dalka, islamaraakana sheegay in wali deegaano ka mid ah dalka ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca noloha, oo ay madaxda guddigu timaameen in loo baahanyahay wax ka qabasho.
Ra’isul wasaarye Kheyre, oo ugu horeen kulanka ka hadlay waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in dadka soomaaliyeed ay isu gurmadaan, si looga maarmo kaalmada laga sugayo dibad, waxaana uu ku taliyey ra’isul wasaaruhu inay shacabku u gurmadaan walaalahooda, si looga boxo dhibaatada abaaraha.
Madaxweynaha Putland C/wali Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Xassan Sheikh Aadan, madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku simaha madaxweynaha Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo kulanka ka hadlay dhamaantood waxaa ay bogaadiyeen arrimaha gurmadka oo ay sheegeen in loo baahanyahay gurmad ballaaran, si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo halis ugu jira abaarta
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.