Hay’adda lagu magacaabo Saldhigga Gurmadka ee Thriibyasha ka baxsan Xeebaha (The Malta-based Migrant Offshore Aid Station MOAS) ee lag leeyhay dalka Malta ayaa sheegtay inay 24-kii saacdood ee la soo dhaafy soo badbaadiyeen inta u dhexeysa 1,500 ila 1,800 Tahriibayaal ah.
Hay’addaasi oo u qaabilsan Adeegga Gurmadka ayaa sheegtay inay Tahriibayashaasi la socdeen 9 doonyood, waxaana loo gudbiyey dalka Talyaaniga.
Guremadkaasi ayaa socday laga soo bilabo Sacadihii hore ee Sabtidii shalay waxaa lagu soo badbaadiyey qiyaastii ila 1,800 qof oo ay ku jiree Carruur, Haween iyo Rag.
Sidoo kale, Tahriibayaasha la soo badbaadiyey waxaa ku jirtay Hooyo Soomaali iyo ilmo yr oo ay dhashay 2 isbuuc jir ahaa.
Dhinaca kale, ugu yaraan 20-Tahriibyaal oo doonaysay inay soo gaaraan Europe ayaa waxay maanta ku hafteen Badda The Mediterranean-ka, meel ka baxsan Xeebaha Libya, sida uu xaqiijiyey Sawir-qaade ka tirsan Wakaalladda Wararka REUTERS oo la socday Markab ay leedahay Hay’adda Gurmadka ee MOAS ee dalka Malta.
©Radio Dalsan