Dhageyso:-Mid ka mid ah dadka ku Shaqeysta Qalitaanka Xoolaha oo Muqdisho lagu dilay

Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacay xaafada dabaqeynka ee degmada Dharkenley,waxaana la sheegay in Nin dadka xoolaha Qala ah uu dilay Nin kale oo ka mid ah dadka xoolaha qala o ay wada shaqeeyaan.

Qof ka mid ah dadka Xaafada dabaqeynka ayaa Dalsan u sheegay in labada Nin ay dilka kahor ku mureen laba Neef oo Ari ah oo la doonayey in la qalo,balse mid ka mid ah ragaas uu midkii kale tooreey ku dhuftay sidaasna uu ku geeriyooday.

Ninka dhintay ayaa Magaciisa waxaa lagu soo koobay xuseen,waxana dadka Xaafada dabaqeynka ay sheegeen in uu ka mid ahaa dadka xoolaha qala ee ka Shaqeeysa suuqa hilibka lagu iibiyo ee degmadaas.

Masuuliyiinta Maamulka degmada Dharkenley oo aan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino kama hadlin,balse waxaa la sheegayaa in ninkii tooreyda ninka kale ku dilay in durbaba uu goobta ka cararay.

Dhacdooyinkan dilalka ah ayaa  bilihii u dambeysay ku soo batay Magalada Muqdisho,waxaana degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir horay iskugu dilay dad ehel ahaay,kadib khilaaf soo kala dhexgalay.

Hoos Ka Dhageyso Qof ka mid ah dadka ku nool Xaafada Dabaqeynta ee degmada Dharkenley oo sharaxaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor