Madaxweyne Trump oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey 1-da Luulyo

Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Xorriyadda wadanka ee 1-da Luulyo.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka  waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda.

Dowladda Mareykanka waxaa ay naawileysaa in ay  jaal la ahaato shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya si ay u gaaraan mustaqbal ifaya.

“Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu gaari lahaa”. ayaa lagu soo gabegebeeyay qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor