Khaadumka Labada Xaramka Shariifaynka, ahna Boqorka dalka Sacuudiga, Boqor Salmaan Bin C/casiis Alsacuud wax uu Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ugu hambalyeeyey 52-guuradda Maalinta Xorriyadda Qaranka Somalia.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo warkan baahisay waxay sheegtay inay Labada Hoggaamiye ka wada hadleen xoojinta xiriifrka labada Waddan
Boqor Salmaan waxa uu sheegay isagoo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Dowladda iyo Shacabka Sacuudiga u rajeynayaan Nadaxweyne Farmaajo caafimaad iyo Farxad Wanaagsan iyo inay dadka Soomaalida gaaraan Horumar iyo Barwaaqo