Waxaa soo baxayey warar sheegaya in Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ay u yeereen Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare,balse waxaa warkaasi beeniyey Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas.
Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ah Baarlamaanka hir-Shabeelle ayaa sheegay in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in Madaxweyne Waare ay u yeereen si ay wax badan u weeydiiyaan.
Isaga oo Wareysi siinayey Radio Dalsan ayuu sheegay in baarlamaanka Hir-Shabeelle haatan uu yahay mid aan Shaqeyn oo fasax ku jira,isagana uu ku sugan yahay Magalada HJowhar.
Waxa uu sheegay in u yeeritaanka Madaxweyne Waare ay ku imaan karto in gudiga joogtada ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle ay keenaan Ajandooyin wax laga weeydiinayo madaxweynaha iyo in 25 Xildhibaan ay soo jeediyaan in baarlamaanka uu hor-yimaado.
Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hatan ku sugan Magalada Muqdisho,iyada oo markii uu ka yimid shirka Kismaayo shir jaraa’id uu ku qabtay magalada Muqdisho uu si kulul u eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Nuur Xaashi.