Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay xildhibaano ka tirsan Maamulkaas,kuwaas oo ka dooday mooshin ay sheegeen inay ka keeneen guddoomiyaha Baarlaamanka Galmudug.
Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib waxa ay cod u qaadeen mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,waxaana natiijda ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.
Waxa uu sheegay in kulankii Maanta ay soo xaadireen 147 xildhibaan 146 ka mid ah ay ogolaadeen in codka kalsoonida lagala noqdo Cali Gacal Casir gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug halka hal xildhibaanna uu ka aamusay,sidaasina uu xilkii ku wayaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Sidoo kale waxa uu sheegay in in la sameyn doono guddi ka Shaqeyn doono doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Dhinaca kale xildhibaano ka tirsan Galmuudg oo ku sugan Magalada Cadaado oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen inaysan waxba kala socon kulanka ka dhacay Magalada Dhuusamareeb,isal markaana natiijada ka soo baxday aan waxba ka jirin.
Cali Gacal Casir oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug balse Maanta ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen ayaanan weli ka jawaabin xilka qaadista la sheegay in lagu sameeyey.