Shir looga hadlayay dhanka amniga ayaa maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kaasi oo ay ka qeyb galeen Madax kala duwan.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan,Madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle,xubno ka socday Midowga Europe ,AMISOM, UNSOS,UNSOM,Saraakiil ka tirsan SNA iyo SPF.
Wasiirka Amniga iyo Dhaqan celinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mr Abdukadir Adan Jeelle ayaa kulanka Shir guddoomiyay,waxaana looga hadlayay amniga Magaalada Baladweyne iyo deegaanada ku dhow dhow.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Hiiraan ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geysto askarta dowlada iyo dadka Shacabka ah ee ku sugan Baladweyne.
Dhinaca kale todobaadkan gudihiisa ayey aheyd markii dagaalamayaasha Al- shabaab laga saaray deegaano ku yaalla Duleedka Magaalada Baladweyne,halkaasi oo fariisin ay ku lahaayeen Al Shabaab.