Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa dib ugu laabtay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo.
Madaxweyne Xaaf ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya,isla markaana waxaa uu halkaasi aaday,kadib markii uu fashilmay Shirkii dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ay ku yeesheen Magaalada Garoowe.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan bulshada ee halkaasi ku dhaqan.
Isaga oo si kooban Warbaahinta ula hadlay Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in Gaalkacyo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Puntlad Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan,isla markaana ay ka wada hadli doonaan arrimo ku aadan Shirkii Garoowe ee fashilka kusoo dhammaaday iyo arrimo kale.
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.