Dowladda Kenya ayaa waxay mar kale tijaabisay Awoodeeda Diplomaasiyadeed, kadib, markii ay Saddex mas’uul oo ka tirsan Dowladda Somalia oo watay Baasabooradda Diplomaasiga loo diiday in Fiisaha ama Dal-ku-galka ee lagu siiyo Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi.
Saddexdaas Mas’uul oo kala ahaa Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Daahir oo ka wada tirsan Aqalka Sare ee Barlamaanka waxay qeyb ka ahaayeen Wafdi ka socday Dowladda Federalka oo u qorsheynaa inay ka qeyb gaalaan Furitaanka Shirweyne maanta ka furmi lahaa magaalladda Nairobi.
Shirweynahaasi oo uu Ururka Midowga Europe (EU) maalgeliyey waxaa looga hadli lahaa Barnaamijka Maaraynta Colaaadaha had iyo jeer ka dhex dhaca Bulshooyinka ku wada nool deegaanadda ku dhow Xuduudaha dalalka Somalia, Ethiopia iyo Kenya.
Wargeyska Maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu Saraakiil Soomaalyeed ka soo xigtay inay Saraakiisha Hay’adda Socdaalka Kenya ee ku sugan Garoonka Jomo Kenyatta u sheegeen iyaga inay Fiisaha ka soo qaataan Safaaradda Kenya ku leedahay Muqdisho, ka hor inta aysan u soo dhoofin Kenya.
Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Daahir oo la hadlay Radio Dalsan waxay sheegeen in iyaga lagu wargeliyey inay ku laabtaan magaalladda Muqdisho, inkastoo qaar ka mid ah Wafdigii ay la socdeen oo watay Baasabooro Shisheeye loo oggolaaday inay gudaha u galaan Nairobi.
Sarkaal sare oo Soomaali ah oo watay Baasaboor Ajnabi, kana mid ahaa wafdigii la socday xubnihii lagu xayiray Garoonka Joomo Kenyatta oo xalay la hadlay Wargeyska Nation ayaa sheegay inay Maamulayaasha Kenya ee jooga Garoonka Jomo Kenyatta u sheegeen wafdiga la xayiray inuu isbedelay qorshihii noocaasi, isla markaana uu oqf kasta haatan Fiisaha ka heli doono Hawlgalka Kenya ee Muqdisho (Kenya’s Mission in Mogadishu).
“Saraakiisha waxay ogaadeen Isbedelkaasi, markii ay ka so odegeen Garoonka, mana jirin farrin ku adaan arrintan” ayuu yiri Sarkaal sare oo Soomaali ah oo watay Baasaboor Ajnabi, kana mid ahaa wafdigii la socday xubnihii lagu xayiray Garoonka Joomo Kenyatta.
Dhaqan ahaan, Heshiiska u dhexeeya labada Dowladaha Somalia iyo Kenya waxa uu dhigayaa in dadka wata Baasaboorka Diplomaasiga lagu siinayo Dal-ku-galka ama Fiisaha lagu siinayo hadba Garoonka ama Dekeadda ay ka soo galaan.
Xayiradda Wafdiga ka socday DFS iyo Isbedelka ay Kneya ku samaysay Nidaamka Fiisaha waxa uu ku soo beegmayaa hal isbuuc kadib, markii ay Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Kenya (KCAA) ay Diyaaradihii Tooska uga imaan jirey Muqdisho loo wareejiyey Garoonka Wajeer si ay maraan baaritaan dhanak Ammaanka, ka hor intaysan u si idhoofin Garoomadda kale ee ku yaalla Gudaha Kenya.
Maareeyaha Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Kenya (KCAA), Gilbert Kibe ayaa sheegay in Tallaabadaasi loo qaaday sababo dhaanka Ammanaka, inkastoo ay DFS cambaaraysay Tallaabadda lagu joojiyey Diyaaradihii Tooska ugu kala gooshi jirey Garoomadda Caalamiga ee Muqdisho iyo Nairobi.