Maanta ayaa la filayaa in Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu Golihiisa Wasiirada Cusub uu baarlamaanka horgeeyo kadib markii shalay uu ka baaqsaday.
Shalay Gelinkii dambe ilaa xalay ayaa waxaa jowhar ka socday kulamo Gooni gooni ah oo ay leeyihiin madaxda Hir-Shabeelle iyo Xildhibaanada si loo ansixiyo Golaha Wasiirada Cusub.
Xildhibaan Cabduqaadir Cabdiraxmaan Iidoow, oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in ay weli jiraan xildhibaano ku kala aragti duwan ansixinta Golaha Wasiirada balse ay dhaceen kulamo lagu xalinayay.
Waxa uu sheegay in uu rajo ka qabo in Golaha Wasiirada ay xildhibaanadu ansixiyaan iyaga oo fiirinaya danta dadka ku nool deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa culeys la kulmay markii uu soo magacaabay Golihiisa Wasiirada kadib markii Xildhibaanada qaar ay dhliilen qaabka loo soo Magacabay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka ka tirsan Hir-Shabeelle.