Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Siyaasada Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo saameynta Soomaaliya uu ku yeeshay khilaafka Wadamada Khaliijka.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Xukuumadda Soomaaliya laga doonayo Siyaasad toosan oo dhinaca Arrimaha Dibada ah,isla markaana ay muhiim tahay in dal walba dowladddu ka yeelato Siyaasad Cad.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Khilaafka wadamada Khaliijka uu culeys Siyaasadeed ay kala kulantay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha Dibadda ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay la timaado qorsho cad oo taageero looga raadinayo wadamada Caalamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka,balse Siyaasiyiin badan ayaa aaminsan in ay dowladda la safatay Dowladda Qatar oo xiriir wanaagsan la leh Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.