Cutubyo ka tirsan Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar u socday labo bilood loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed G/Sare C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, tababarkan ugu soo xirey cutubyo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa xiritaanka tababarkani goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) Abaanduulaha ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Madaxtooyada.
Difaaca, Asluubta, la macaamilka madaxda iyo shacabka ayaa qayb ka ahaa tababarka ciidankan la siiyay, Taliyaha Ururka 60-aad ee ciidanka Madaxtooyadda G/S,Axmed Maxamed Cali (,Afcaddey) ayaa sheegay iney dhowaan bilaabi doonaan Dufcadii saddexaad ayna mar kasta saraakiisha ciidanku u diyaarsan yihiin ciidanka dalka in laga dhiso dhan walba.