Dhageyso:-Madaxweynaha Galmudug oo baaq ka soo saaray dagaalkii ka dhacay gobolka Mudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si deg deg ah ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degaan hoos yimaada degmada Af-barwaaqo iyo Towfiiq in ay dagaalka joojiyaan.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf  oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho waxa uu si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Mudug sheegay in dowladda fedraalka Soomaaliya ay la kaashan doonaan sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi,islamarkaana Ciidamo ka tirsan Galmudug loo diri doono goobta uu dagaalku ka dhacay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in ay nasiib daro weyn ay tahay in maanta dagaallo ka dhacaan degaanada Galmudug, oo uu sheegay in ay dadaal badan ku xiyeen nabad ku soo dabaalidda Galmudug gaar ahaan gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii waxa uu ku baaqay in ciidamo loo diro deegaanada lagu dagaalamay isaga oo tilmaamay 150-askari ilaa 200 in halkaas la geeyo si loo damiyo colaada gobolka Mudug ka soo cusboonaatay,isaga oo dhinaca kalana cadeeyay in masuuliyiin kala duwan saacadaha soo socda ay gaari doonaan halkaas.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

Comments
Loading...