Dowladda Somalia oo ka hadashay eedeyntii uu u jeediyay CC.Shakuur

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye oo ka jawaabayay edeyntii uu dowladda u jeediyay Cabdiraaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu yahay maxbuus xaq u leh in uu helo waxyaabaha nolosha aas-aasiga u ah.

Maareeye ayaa  yiri “Xasan Daahir Aweys haddii uu xabsi guri ku jiro xuquuq buu u leeyahay inuu Telefoon haysto,Telefoonkiisu ku hadlay oo hawada galiyey,Dowladduna Mediyana uma geynin oo ma dhihin war soo duub isagaa u arkay in diintiisi lasoo weeraray,marka wax dowladdu ka ogtahay haba yareete ma jirto”

Isagoo sii hadlaya wasiir Maareeye wuxuu yiri “Saaxiibkey waxaan leeyahay dowladdu kuma oran wax diin la xariira ka hadal Culimo ayaa ku heysata,arintaadu ma u baahna aftahannimo iyo dad baan is heynaa ee waxaan kuugu nasteexeyn lahaa inaad culimada weydiiso sida aad u towbad keeni lahayd”

Khudbad uu dhawaan jeediyay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhalisay hadal heyn badan iyada oo inta badan culimada Soomaliyeed ay aad u naqdiyeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media