Dowladaha Maraykanka iyo Ethiopia oo ka shiray Ammaanka Somalia

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maaykanka u qaabilsan arrimaha Africa Tibor Nagy waxa uu shalay magaalada Waashitoon ee dalka Maraykanka kula kulmay wasiirka difaaca ee dalka Ethiopia oo maalmahaan booqasho ku joogay dalkaas.

Warbahinta Faana aya ku warantay in labada masuul ay ka wadahadleen muhiimadda xaladda amaniga ee geeska Africa gaar ahaana Soomaaliya,Suudaan iyo South Suudaan, Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maaykanka u qaabilsan arrimaha Africa ayaa sheegay ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray ciidanka Ethiopia ee howlgalka u jooga dalalka Somalia iyo Suudaan in ay tahay qaaraan guud oo ah nabadda gobolka.

Dhankiisa Wasiirka difaaca ee Ethiopia oo Todobaadkii hore booqasho ku tegay Maraykanka waxaana uu sheegay in ay wadaageen xaaladda ammaanka ee gobolka xiriirka Sirdoonka iyo Milatariga heerka uu gaarsiisanyahay.

Kulanka labadaan masuul ayaa ku soo beegmay iyada oo siyasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda Somalia ay ku eedeynayaan dowladda fedraalka Somalia in ciidamo Ethiopia ah oo an qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM in ay geysay deegaanada Gamudug  gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareeb.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media