Maalmihii la soo dhaafay waxaa dagaal uu ka dhacayay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo u dhaxeeyey Shacab is-abaabulay iyo Al-Shabaab.
Dagaaladaaas ayaa waxaa ku geeriyooday laba ka mid ah hoggaamiyeyaashii Shacabka is-abaabulay ee la magac baxay Macaawusley,waxaana markii ugu horeysay ka hadlay Maamulka Hir-Shabeelle.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo shalay dib ugu laabtay Jowhar ayaa marka hore sheegay in intii ay ku sugnaayeen Magalada Muqdisho ay dowladda federaalka isla garteen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu ka hadlay dagaalkii deegaano ka tirsan Sh/Dhexe ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Shacab is-aruursaday,waxana uu sheegay in dagaalka Shacabka ay kula jiraan Shabaab uu yahay mid xaq ah.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle looga baahan yahay inay meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab,isla markaana ay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle.