Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Deegaanada duqeyntaas ka dhacday ayaa waxa ay ku dhow yihiin deegaanka Ceel-cade oo kal hore weerar khasaaro farabadan geystay loogu geystay Ciidamada Kenya,gaar ahaan tuulooyinka Qansax Oomane,Maka iyo deegaano kale.
Dadka deegaanadaas ayaa waxa ay sheegeen inay xalay saqdii dhexe maqleen jugta culus ee duqeyntaas,isla markaana aysan garaneyn khasaaraha ka dhashay.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaaradaha duqeyntaasi fuliyey ay leedahay dowladda Kenya oo ciidamo farabadan ay ka joogaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Haben ka hor ayay aheyd markii Diyaarado ay duqeyn ka fuliyen deegaano ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Hoose walow aysan weli cid sheegan.