Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo Dib u heshiisiin u sameynaya Beelo ku dagaalamay D/Balcad

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle ayaa walaac ka muujiyay dhowr tuulo oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo dhawaan dab la qabadsiiyay kadib markii ay ku wada dagaalameen laba Maleeshiyo beeleed.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa booqday  Tuulooyinka Jameeca Misra,Maqdas Kulmis iyo deegaano kale halkaas oo ay indhahooda ku soo arkeen waxyeeladii ka dhalatay dagaalkii dhex maray labada Maleeshiyo Beeleed.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi guudlaawe ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatadii halkaasi ka dhacday,waxa uuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay ka qeyb qaadato dib udejin loo sameeyo dadkii ka barakacay tuulooyinkii la Gubay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Guudlaawe

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa isna sheegay in ay dhawaan qaban doonaan shir dib u heshiisiin ah si xal looga gaaro dagaaladii horay uga dhacay halkaasi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arimaha Gudaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media