Boqoradda, Queen Elizabeth ayaa hadalkaasi ku dhawaaqday, kadib, markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson booqasho Lama Filaan ah ku yimid Somalia iyo Baaqii Taageerada Samafalka ee uu ku dhawaaqay Orodyahanka Somali-British-ka, Sir Mo Farah, si loo taageero dadka ku macluulsan gudaha Somalia.
Afhayeenka Qasriga Boqortooyadda Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa xaqiijiyey inay Boqoradda Kaalmadeeda shaqsi ahaan ugu deeqayso Guddiga Gurmadka Masiibadda ee Bariga Afrika (DEC).
 Dhinaca kale, Telefishinadda BBC, ITV, Channel 4, Channel 5 iyo Sky News ayaa baahinayo Muuqaalo Video oo ku aadan Xaalladda Macluusha ee Somalia iyo Bariga Afrika, oo Dadweynaha Britain loogu codsanayo Dhaqaale lagu taageero dadka ay dhibaataddu ka soo gaarty Macluusha, Abaaraha iyo Dagaalladda ka jira dallkaSomalia, Kenya, South Sudan iyo Ethiopia.
In ka badan 16-million oo qof  ayaa ku jira Xaallad Macluul ah, oo u baahan cunto, biyo iyo daaweyn cafimaad.
Sidoo kale, Ku-dhawaad 800,000 oo carruur ah oo ay da’doodu u dhexeyso 6 bil ilaa 5 jir ayaa u baahan Kaalmo Naf-badbaadin ah, sida ay sheegeen Guddiga Gurmadka Masiibadda ee Bariga Afrika (DEC).
©Radio Dalsan