Kadib dilkii xalay gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir loogu geystay gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmadaas oo lagu Magacaabi jiray Fagaase,ayaa maamulka gobolka Banaadir waxa uu sheegay in Cadaalada la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo sigaar ah ula hadlay Radio Dalsan ayaa marka hore waxa uu ka tacsiyadeeyey dilka gudoomiye Waaxeedka iyo Saaxiibkiis,iyada oo dadkii ka dambeyey dilkaas ay baxsadeen.
Afhayeen Xalane ayaa waxa uu sheegay in baaritaano lagu haayo kooxihii ka dambeeyey dilka gudoomiye Waaxeedka,isla markaana dhawaan Cadaalada lahorkeeni doono.
Ma ahan Gudoomiye Waaxeedkii ugu horeeyey ee lagu dilo Magalada Muqdisho,waxana horay loo dilay Gudoomiye Waaxeedyo degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir,iyada oo ilaa iyo hadda aysan jirin dad loo qabtay dilalkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir.