Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shaaciyay in Guddiga dib u eegista Dastuurka dalka ee haatan howlahooda wata ay yihiin kuwo afduuban oo Shaqadooda la heysto.
Afhayeenka Golaha Iskaashiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Golaha iskaashiga marnaba aysan aqoonsan doonin dib u eegista lagu sameynayo Golaha Iskaashiga ilaa inta dib loogu saxayo hanaanka dib u eegista ee wadada laga leexiyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay nasiibdaro ku tahay in ay dhaqaalo ku bixis musharax gaar ah oo ay u wadato doorashada Koonfur Galbeed.
Hoos aKa Dhageyso Codka Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.