Dhageyso:-Koox Burcad ah oo dhac ka bilaabay xaafad ka tirsan Muqdisho

Xilliyada habeenkii ayaa waxaa xaafado ka tirsan degmada dharkenley ee Gobolka Banaadir ka bilaawday dhac ay geysanayaan rag hubeysan oo la sheegay in ay dadka guryaha ugu galayaan.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Xaafad u dhow Saldhiga degmada Dharkenley ayaa waxa ay sheegeen in kooxaha hubeysan ee burcada ah todobaadyadii la soo dhaafay ay ku soo bateen xaafadaas,isla markaana ay yihiin kuwo dadka guryaha ugu galayaan kuna labisan dareeska Ciidamada dowladda.

“Walahi aniga kula hadlayo ayaa Sideed saac habeenimo waxaa guriga ii soo galay rag hubeysan banaanka ayay ii soo bixiyeen indhaha ayay iga xireen wax alaala iyo wixii guriga ii yaalay oo dahab ku jiray ayay qaateen,xaafado kalena waa laga sheegayay dhibaatadaas ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool inta u dhaxeysa Saldhiga iyo Xaafada Dabaqeynka ee d/dharkenley.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wax dhibaato kale oo ay u geysanayaan inaysan jirin balse ay wax alaala waxa guryaha yaalla ay qaadanayaan ,waxa uuna ugu baaqay dowaldda Soomaaliya in ay kooxahaas waxka qabtaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka qofka mid ah Shacabka Dharkenley.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media