Qarax iyo weerar toos ah oo lagu dilay Ciidamo Kenyan ah

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo toos ah iyo mid ay u adeegsadeen miinada dhulka la galiyo ku qaaday kolonyo ay wateen ciidamada booliiska Kenya oo marayay magaalada Wajeer.

8 ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo ahaa mid aad u culus oo haleelay gaarigii ay wateen xilli uu marayay deegaanka lagu magacaabo Bojigaras oo ka tirsan magaalada Wajeer.

Ciidamada qaraxa lagu dilay ayaa waxa ay deganaayeen xero ku taala Kutulo halkaas oo ay kusii jeedeen markii uu weerarka dhacayay.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxa markii uu haleelay gaariga ay ciidanka wateen kadib ku qaaday weerar toos ah.

Ilo ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in saraakiisha ay gaariga ka dageen qaraxa kadib isla markaana ay rasaas isweydaarsadeen dagaalyahanada kahor intaan laga awood roonaan.

Mid kamid ah ciidanka oo weerarka ka baxsaday ayaa wax yar kadib intii isbitaalka loo sii waday geeriyooday.

Taliyaha Wajeer Stephen Ng’etich ayaa sheegay inuu faafin dheeri ah ka bixin Karin waxyeelada sababo la xiriira qadka anteenada oo liita.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media