Sawirro:-Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyey deegaano horleh

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay uu Wabiga Shabeelle fatahaad ka sameeyey tuulooyin horleh oo ka tirsan Gobolkaas,

Ilaa 6 Tuulo ayaa la xaqiijiyey in uu wabiga ka fatahay,isla markaana uu saameeyey dalagyadii Sanadkaan ka soo go’ayey Dhul beereedyada ku yaal tuulooyinka uu ka fatahay.

Wariyayaal ku sugan Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegeen in tulooyinka uu wabiga fatahaada ka sameeyey ay ka mid yihiin.

Farbaraki

,Jameeco

,Damaleey,

Goley Xaji cali

Buulo zeytiir

Iyo Faay Dhuxul .

Fatahaada uu Sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu Sababay in ay Baaba’aan Dhamaan Dalagyadii ku yaalay Tuulooyinkaas.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale haatan uu wabiga kusii faafayo tuulada mukay Dheere,isla markaana dadkii deganaay ay barakaceyn.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegeen in adka ku nool gobolkaas ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah,si looga hortago fatahaaa uu sameynayo Wabiga Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media