Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay eedeeyn u jeediyeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ku nool Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle.
Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Odayaasha dhaqanka Jowhar ku eedeeyay inay hadalo aan wanaagsaneyn aysan kula hadlin Xildhibaanada, kadib markii ay mooshin ka keeneen Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare
Sidoo kale waxa uu sheegay in odayaasha dhaqanka ay aheyd in si wanaagsan inoogu hambalyeeyaan markii la xaliyay Mooshinka ka dhanka ahaa Maxamed Cabdi Waare,isla markaana xal laga gaaray.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in Madaxda hirshabeelle ,dowlada dhexe  iyo xildhibaanada in horumarka  la dhowro,isla markaana laga qeyb qaato nabadgalyada deegaanada Hirshabeelle.
Dhawaan ayeyd aheyd markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ay mooshinn ka gudbiyeen Madaxweyne Waare,balse xal laga gaaray Mooshinkaasi.
Hoos ka dhageyso Codka Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare).