Dowlad Goboleedyada dalka ka jira qaarkood waxaa xilligaan ku soo fool leh doorashooyin si isbedel dhinaca hoggaanka ah uu u dhaco,waxaana jira kuwa qaarkood dowladda lagu eedeynayo inay faragelin ku heyso.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in doorashooyinka la filayo inay deegaanaasi ka dhacaan in marnaba aysan aqbaleyn in faragelin ay ku sameyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur(Janan) ayaa sheegay in Magalada Baydhabo ay dowladda geysay Gawaarida aan xabada Karin iyo Xubno wasiiro ah oo ay taageereyso.
Waxa uu sheegay in maranaba aysan ogolaan doonin ,Siyaasi, Xildhibaan iyo cidkasta oo iskudayda inay nidaamkooda ku ciyaarta,isla markaana musharixii,isaga oo wata Gaari ka soo dega Garoonka Kismaayo ay dib u soo celin doonaan.
Maamulka Jubbaland ayaa horay Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxa ay ka soo celiyeen taliyeyaal Ciidan oo ay Magacaawday dowladda Soomaaliya,iyaga oo sheegay in aan lagala tashan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Jubaland.