Shalay ayaa waxaa soo baxay Wareegto la sheegay in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose Maxamed Cali Caadle uu ku magacaabay guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Hir-Shabeelle kaas oo loo magacaabay Jaamac Faarax(Kabaweyne)
Guddoomiyaha la magacaabay oo las oo xiriiriay Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in uusan ka warqabin xilkaas loo Magacaabay,isla maraana Idaacadda auu ka maqlay Wabsit-yadaha uu ka akhristay.
Waxa uu sheegay in isagu uu yahay Shaqsi Ganacsade ah oo dukaan ku leh Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,isla markaana uu yahay  qof xil uga baahan maamulka Hir-Shabeelle.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin cid wadatashi kala sameysay xilkaas in loo dhiibayo haatan isaga uusan diyaar u aheyn xilka loo dhiibay,isla amrkaana uusan waligiis xilka qabaneyn Maamulka Hir-Shabeelle sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku eedeeyey masuuliyiinta maamulka Hir-Shabeelle in ay xilal u Magacaabaan dad aanan dooneyn iyo mid wax raba intaba,waxa uuna ugu baaqay masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle in ay wadatasho kala sameeyaan dadka ay xilalka u Magacaabayaan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.