Qaxooti Soomaali ah oo ka badbaaday inuu is-dilo

Saacadihii hore ee saakayto oo Isniin ah ayaa la sheegay inuu Qaxooti badan oo uu ku jiray Nin Soomaali ah isku dayeen inay isku dilaan  Deegaan lagu hayo Qaxootiga oo ku taalla magaalladda Port Moresby oo ah magaalladda ugu weyn ee dalka Papua New Guinea ee Koonfurta Badweynta Pacific Ocean.

Shabakadda Wararka ee Scoop ee laga leeyahay dalka New Zealand ayaa maanta qortay inay jiraan Qaxooti magangelyo-doon ah oo ka badbaaday qorshe ay isku dili lahaayeen.

Qaxooti Soomaali ah oo 30-jir ah ayaa la sheegay inuu saakayto iska lalmiyey dhismaha Balakoonka ee Xarunta lagu hayo Qaxootiga ee Grand Motel.

Ninka Soomaaliga ayaa la sheegay in la badbaadiyey, ka hor inta uusan is-dilin.

Qaxooti kale oo u dhashay dalka Iiraan oo 31-jir ah ayaa isagana maanta si xun isku dhaawacay, isagoo doonayey inuu isku dilo Xarunta Qaxootiga lagu hayo.

Labada Qaxooti waxaa loola cararay Isbitaalka lagu magacaabo The Pacific International Hospital, mana kala cadda xaalladda ay ku sugan yihiin.

Qiyaastii 50 Qaxooti magangelyo-doon ah ayaa lagu ilaaleeyaa  Xerada Granmvile Motel, halkaasi oo la sheegay inay ku sugayaan in lagu daaweeyo Isbitaalka The Pacific International Hospirtal.

Inta baadan Qaxootigaasi waxay muddo bilooyin ah sugayeen in la daaweeyo.

Tirada Guud ee Qaxootiga ka badbaaday Is-dilka iyo shilalka kale ee  lagu hayo Jesiiradda Manus iyo magaalladda Port Moresby waxay gaarayaan in ka badan 30-qof, tan iyo markii ay Doorashadda Federalka ka dhacday dalka Australia bishii la soo dhaafay ee May 18-dii.

Qaxootiga magangelyo-doonka ee lagu hayo Jesiiradda Manus iyo Papa New Guniea ayaa waxay ku haminayaan inay Australia ka helaan magangelyo Qaxootinimo.

Afhayeenka Isbahaysiga Refugee Action Coalation, Iyan Rintol sheegay inaysan Dowladda Australia weli haynin qorshe Dib-u-dejin lagu siinayo  Qaxootiga sida sharci-darradda loogu hayo Jesiiradda MANUS  ee dalka Papua New Guinea ku-dhawaad 6 sanno.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media