Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo Khudbad ka jeediyay Kulanka Maanta Xildhibaanda ayaa ka hadlay Caqabadaha haysta Dastuurka dalka.
Guddoomiye Muudey ayaa waxaa uu sheegay in Warbixinta Guddiga Dastuurka Maanta aan lagu soo darin Somaliland,isla markaana Caqabadaha Dastuurka Soomaaliya heysta uu ka mid yahay arrintaas,isagoona in aysan sax noqon karin.
“Anniga ma aaminsani Dasatuurka in uu noqon karo Dastuur sax ah inta Somaliland maqantayah” ayuu yiri Guddoomiye Muuday.
Hadalka Guddoomiye Muudey ayaa kusoo aadaya iyadoo Maanta kulanka 2-aad kal-fadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya warbixin looga dhageystay Guddiga Dastuurka dalka.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Muudey.