Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay aad u kala bedelan yihiin dhalinyaradii hore iyo dhalinyarada Maanta jirta.
Waxa uu sheegay in dhalinyaradii hore iyo kuwa Maanta ay yihiin kuwo ku kala duwan fikirka iyo Wadaniyada,isla marakana dagaalkoodu uu yahay mid aad u kala fog.
“Runtii isbedelada dhalinyaradii hore iyo tan maanta waa ay kala duwan tahay taariikhdu waxa ay cadeyneysaa in dhalinyaradii hore ay la-dagaalami jireyn cadaw muuqda oo loo jeedo oo xabad kusoo ridayay,maanta dhalinayarda joogta waxa ay la-dagaalamayaan cadaw aan muuqan ayuu yiri Guddoomiye Mursal.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dhalinyarda Soomaaliyeed ay yihiin mustaqbakii beri,isla markaana ay waxka sugayaan hooyooyinkeena,Carruurta agoonta ah iyo cid walba oo dhibaato qabta,
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.