Maraykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Hadal-qoraal oo shalay ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ugu qaabilsan Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ay maalintii Sabtida ee la soo dhaafay duqeyn ka geysteen Deegaanka Basra, halkaasina ay ku dileen 4 ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Taliska AFRICOM waxay sheegeen Duqeyntaasi oo ahayd mid Is-difaac ah ay qaadeen iyagoo kaashanayaa Ciiddanka DFS, si loo beegsado Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugnaa Deegaanka Basra.

Waxay kaloo sheegeen inaysan duqeyntaasi wax khasaaro ah ka soo gaarin dadka rayidka ee ku nool Degaankaasi.

Shalay ayaa sidoo kale War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya waxaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Tuulada Basra ee duleedka Balacad lagu dilay 6 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab laguna qabtay taliyahooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor