Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Dastuurka dalka uu yahay mid soo maray waqtiyo kala duwan wixii ka dambeeyey burburkii dalka,isla markaana uu ahaa Warqado ay dad iska heysteen.
Waxa uu sheegay in Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf wixii ka dambeeyey la sameeyey dastuur uu sheegay in uu yahay mashruuc oo dano Shaqsiyadeed lagu fuliyo.
“Xaqiiqdii dastuurkena waqti badan ayuu soo maray,dowlad kastoo oo dalka soo martay meel ayey keentay,runtii Dastuurka ayaa sidoo kale iska noqday mashruuc dano Siyaasadeed lagu fushto khilaafka dalka ka jira isaga ayaa keenay taasi waxa ay cadeyneysaa in gacan Ajnabi lagu qoray marka xataa wadahsaqeynta dowlad goboleedyada iyo dowaldda dhexe kuma qorna ayuu yiri Guddoomiye Cusmaan Barre.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa ugu baaqay guddiga dib u eegusta Dastuurka dalka in ay ka Shaqeyaan sidii la isku waafajin lahaa Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedayda.
Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xili weli lagu howlan yahay sidoo loo dhameystiri lahaa dastuurka qabyada ah ee dalka,iyada oo guddiga dib u eegista Dastuurka ay ku howlan yihiin sidii loo dhameystiri lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.