Dhageyso:-Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka G/Banaadir oo jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray Xildhibaano…

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa kulankii saddexda maalmood socday,waxa ay ay qaarkood ku sheegeen in dadka ku nool Muqdisho Cadaalad u doontaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab,waxana hadalkaas ka jawaabay Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir.

Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahiayaa sheegay in ilaa iyo hadda wararkaas aan waxba ka jirin,isla markaana aan loo heyn cadeyn buuxda Al-Shabaabna aysan xukunadooda ka Shaqeynin Magalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in deegaanada ay Al-Shabaab maamulaan ay taasi macquul tahay inay ka dhacdo balse Magalada muqdisho dad isku-heystay dhulal iyo waxyaabo kale inaysan Al-Shabaab u kala xukumi karin.

Hadalka guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa u muuqday mid jawaab u ah hadalkii xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ay ku sheegeen in xukunada Al-Shabaab ay ka Shaqeeyaan Magalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor