Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in mudo Saddex bilood ah ay la tacaalayaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay uga deegi la’yihiin Shacabka.
Waxa uu sheegay in rag ay saaxiibo yihiin oo isugu jira Xildhibaano,Wasiiro iyo siyaasiyiin ay Xafiiskiisa yimaadaan,iyaga oo Shacabkii loo Shaqeyn lahaa cariiriya.
“Runtii mudo Saddex bilood ah ayay nagu qaatay si aan xal uga gaarno siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Wasiiro Danley ah oo xafiiskeyga soo buux dhaafiyey una Shaqeyn waayey bulshadii aan madaxda u ahaa laakin hadda xal ayaan ka agaray oo waqti ayaan u sameeyey ayuu yri guddoomiye Yariisow.
Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli ay aad u adag tahay in Shacabka adeegyada uga baahda Xarunta Maamulka gobolka Banaadir in ay galaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.