Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax oo la hadlayay laanta afka Somaal-ga ee VOA-da ayaa ka hadlay xaaladda guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiintii kale eek u dhaawacmay weerarkii is qarxinta ahaa waxaana uu sheegay in weli lala tacaalayo.
Tuulax ayaa sheegay in uu socdo baaritaanka qaabkii uu u dhacay weerarkaas iyo sida ay ku sahlanaatay in gudaha xarunta oo aad loo ilaaliyo in uu soo galo qof aan la baarin kadibna uu is qarxiyo isga oo shaki geliyay suurtagalnimada arrintaas.
“Xarunta gobolka waxa ay ka mid tahay goobaha ugu amaanka adag laakiin baaritaan ayaan ku wadnaa qofka dumarka loo maleynayo ee shirka gudaha u soo gashay koley dad kale oo gudaha ku jiray ayaa kala shaqeynayay ayuu yiri guddoomiye Tuulax”
Dad badan ayaa su’aal gelinaya sida ay suurtagalaka ku tahay in qof xiran jaakadaha qaraxyada uu gudaha u galo xarunta maamulka gobolka Banaadir oo amaankeeda aad loo ilaaliyo isala markaana gudaha u galo hool uu ka socday shir ay u dhamaayeen masuuliyiinta gobalka Banaadir.
Halkaan Ka Dhageyso Codka