Gaadiidkaan oo u badan kuwa Xamuulka qaada ayaa waxa ay ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Walaweyn iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Mas’uuliiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in Gaadiidkas ay xayireen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo ku soo rogay lacago xadhaaf ah.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa u sheegay Radio Dalsan ayaa sheegay in Gaadiidkaas oo ka baxay muqdisho uu halkaasi ku xayiran yihiin in ka badan todobaad.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay Gaadiidkaas ka dalbadeen in midkiiba uu bixiyo min $5000,(Shan Kun) oo Dollar taasina aysan awoodin Gaadiidleyda.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in sababta ay Ciidamada Dowladda Gaadiidkaas ay u xayireen ay tahay in aan weli lasiin wax mushaar ah,taasina ay keentay in Gaadiidleyda ay culeys saaraan
Warkaan ka soo yeeray Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose weli wax jawaab ah kama bixin Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolkaas.