Dagaal ayaa mar kale saaka ka qarxay magaalada Mooyaale ee dalka Itoobiya, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.
Dad goob joog ah ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawacyaba ay jiraan, isla markaasna labada dhinacba ay dab qabadsiiyeen guryo iyo xafiisyo ay dad Shacab ah deganaayeen.
Dad badan oo shacab ah ayaa isaga firxaday guryahooda,kuwaas oo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho dagaalkaas u dhaxeeya labada qowmiyadood.
In ka badan 10 ruux ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkii ka dhacay mooyaale ay ku geeriyooden,kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Oromo.
Majirto cid weli kala dhex gashay dadkaasi dagaalamaya,waxaana horay u jirtay inay fashilmeen waan waan lagu doonayay in lagu kala dhex galo.