Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo Maanta Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadlay Wadahadallada dowladd Soomaaliya iyo Somaliland.
Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan dhab ka aheyn Wadahadallada ay kula jiro Somaliland,isagoo xusay in dhowr jeer ay dowladda Soomaaliya ka baxsaday wadahadal labada dhinac ay isugu imaan lahaayeen.
Sidoo kale Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojin Wadahadallada Somaliland ay kula jiro dowladd Soomaaliya,waxaana uu maamulkiisa ka Codsay inay soo saaraan qoraal lagu joojinayo Arrimahaas,markii uu soo laabto Madaxweynaha Somaliland.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay Eng Faysal in dhibaato ay ku tahay Wadahadalladaas,waxaana uu xusay in markii ay u tagaan Wadado oo ay rabaan inay weeydistaan Ictiraaf laga soo diido,taasina ay sabab u tahay Wadahadallada u socda labada dhinac.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shacabka reer Somaliland ka codsaday inay soo dhaweeyn u sameeyaan Madaxweynaha Somaliland oo haatan ku sugan Jamhuuriyadda Guinea,isla markaana waxaa uu tilmaamay in aysan ka soo horjeedin Muuse Biixi,hayeeshee ay jirto oo kaliya maamul xumo.
Hoos ka Dhageyso Codka Eng Faysal Cali Waraabe.