Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Degmo ka tirsan G/ Bakool

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, degaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, inuu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada.

“Waxaan u nimid inaannu ogaanno howlaha Dowladda ee ka socda degaannada Gobolka , gaar ahaan Degmada xudur iyo inaan dardar gelinno, dhhiirri gelinno , sida shaqada ku socotana ogaanno, oo aynu ka jawaabno baahiyaha Xudur yaalla”, ayuu yiri Madaxweyne ,Lafa gareen.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweyne Lafta gareen in ay wax ka qaban doonaan adeegyada Bulshada, gaar ahaan wax barashada iyo caafimaadka, isla markaana ay la kulmi doonaan, maamulka, ciidamada, hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, si guud iyo si gaar ahna ay isu arki doonaan, Ciidamaduna ay ku samayn doonaan dib u dhis iyo tiro koob.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta KG ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, inta uu joogana ay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media