Waxaa axadii la soo gabagabeeyay dhageysiga hadal-jeedinta muarashixiinta madaxweynaha Somaliya.
23 Tartame ayaa ajendayaashooda u bandhigay 329-xildhibaan oo ka tirsan labad gole ee baarlamaanka.
Warbaahinta oo ay Dalsan ka mid tahay ayaa dadweynaha guda iyo dibadba ka haqabtirayay la-socodka khudbadahaasi.
Hadaba, Maxay khudbadahaasi uga duwanaayeen hadal-jeedinnadii baratamayaasha looga bartay?.
Kala xulashada murashixiinta xildhibaannadu ma ku saleynayaan bandhigga Ajendayaashooda?-mise waxaa jira go’aanno ay sii gaareen?.
Falanqeyn sheeko oo ku xiriirsan khudbadahaas iyo kalsoonida lagu qabi karo doorashada waxaa noo diyaariyay, wariyaheenna: Abubakar Maxamed Cali