Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Daacish

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Gobolka Bari ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Degmooyin iyo deegaao ka tirsan Gobolkaas, iyagoo kusoo qabtay rag hubeysan.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada isku-shuban, Toga Jaceyl, Togga canjeel iyo halka loo yaqaano Dooxa Gabin, isla markaana waxaa ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Daacish.

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga Gobolka ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan xubno ka tirsan Daacish iyo hubkii iyo gaadiid ay wateen.

Sidoo Taliye Xuseen Cali ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka amniga Gobolka ay sii  wadi doonaan howlgalada ka dhan ah Ururka Daacish ee ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Bari, isagoo u mahadceliyay Ciidamada amniga ee ka qeyb qaatay howlgalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media