Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xoogan oo Maqribnimadii Caawa ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo geystay Khasaaro hantiyadeed.
Dabkaan ayaa waxaa la sheegay in uu markii horey uu ka bilowday Dabaq ku yaalla agagaarka daarta Al-Khaliij,isla markaana uu sii faafay goobo kale oo ku yaalla qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha.
Deeqo Abdinuur Kaahiye oo kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo la hadashay Radio Dalsan ayaa u sheegtay in dabka uu geystay Khasaaro hantiyeed,kaasi oo saameeyay qeybta Cabdalla Shideeyaha,hayeeshee markii dambe lagu guuleystay in la demiyo dabkaas.
Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa gaaray gaadiida dab demiska ay leedahay Shirkadda hormuud iyo kuwa maamulka Gobolka Banaadir,waxaana sidoo kale gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo mararka qaar ridayay rasaas.
Ilaa iyo hada weli si dhab ah looga shaacin waxa sababay dabkan Caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalla Shideeye.