Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo Cambaareeyay Weerarkii Maanta Ee Baydhabo

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicklos Kay ayaa Cambaareeyay Weerar Maanta Al Shabab ay ku qaaden Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Baydhabo.

War kooban oo uu ku qoray Danjire Kay Bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay inuu Cambaareynayo Weerarkii Maanta,waxana uu sido kale sheegay inuu Caafimaad qabo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Adan.

Dhinaca kale Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’Urso ayaa isagana Cambaareeyay Weerarkii Maanta lagu qaaday Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhimatay Weerarka oo ay sheegatay Masuuliyadiisa Xarakada Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor