Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa waxa laga xumado ku tilmaamay khilaafka soo kala dhex galay Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya,kaas oo curyaamiyey howlihii dowladda.
Iyada oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu ka hadlo khilaafkaan ayaa waxa uu sheegay in rajo wanaagsan laga qabay Baarlamaanka soomaaliya basle aysan wanaagsaneyn in dhegaha Shacabka Soomaaliyeed ay wax xun ku soo dhacaan,taasina suurtagal aheyn in horay loo socdo.
Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in Shacabka soomaaliyeed ay ka walwal qabaanรย xiisada ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey gudoomiye Jawaari iyo khilaafka Baarlamaanka,isla markaana Shacabku ay Maanta oo Sabti ah raja xumo weyn ay muujinayaan.
Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo ku lug leh khilaafka dalka ka jira ayuu ugu baaqay in ay Sharcigii lagu doortay wax walba ku xaliyaan si khilaafka taagan looga gudbo.
Hadalka gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusufรย Xuseen Jimcaale ayaa ku soo aadaya xili Maanta raja xumo weyn laga muujinayay kulanka Baarlaamanka ee loo balansanaa walow codsi ka yimid Madaxweyne Farmajo loo hakiyey.
Hoos Ka Dhageyso Codka duqii hore ee Muqdisho Banaadir Yuusufรย Xuseen Jimcaale Madaale.