Taliska xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgallo Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamuud Macalin Koronto ayaa sheegay in howlgalladaas ay ahaayeen mid looga saaarayay Al-Shabaab,isla markaana ay Afar jiho ka weerareen.
Waxa uu sheegay in howlgalkaa uu ahaa mid todobaad socday,isla markaana intiisa badan laga sameeyay agagaarka tuulada Basra oo u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad.
Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan,isla markaana ay ku wajahan yihiin deegaano kale oo loogu sheegay inay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Deegaanada ay la wareegeen ayuu ku sheegay,Basro, Bakhdaad, Daniga Baalow, walamoy iuo deegaano kale.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.