Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa waxaa uu ka hadlay xirnaasha Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe cusub lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho,isla markaana waxaa uu xusay in dowladu keeni doonto qalab Casri ah oo amniga lagu xaqiijinayo.
Isaga oo sii hadlaayay Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa waxaa uu balan qaaday in Wadooyinka xiran ee Magaalada la qafiifin doonno lana furi doono,kuwaasi oo uu tilmaamay inay noqonayan Jid Caddayaasha dhexmara Xaafadaha Degmooyinka oo kaliya.
“Waxaan ballan-qaadayaa Jidadka inaan qafiifin doonno,Meelaha xiran waa Jid Caddayaasha oo kaliya jid cadde kastana Askari lama geynkaro Marka qalab Casri ah ayaana keeneynaa oo Amniga lagu xaqiijinayo,halla dulqaato amniga qorsheyaal badan ayaa nooga dagsan”ayuu yiri Wasiir Islow.
Isgoysyada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qaar kamid ah ku jaran dhagxaan waaweyn,waxaana laga furay oo kaliya meel ay maraan Mootooyinka Bajaajta,iyadoona qorshahaas lagu sheegay in lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho.
Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka amniga Soomaaliya