Deegaanka Ceel-saliin oo 20-KM dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose iskuna xira deegaanada Dhanaane, Gardarshe, Nambar 60 iyo deegaano kale ayaa marin muhiim ah u ahaa Al-shabaab ayaa lagala wareegay.
Ciidamada Xoogga dalka ee DANAB ayaa Al-shabaab dagaal uga qabsaday deegaano dhowr ah oo hootaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) taliyaha Ururka 4aad ee Xoogga dalka DANAB oo hogaaminayay Howlgalka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay ku dadaali doonan dib u howlgelinta Ceelbiyood Al-shabaab ay ka gubeen dadka deegaanka Ceel-saliin ee Goblka Shabeellaha Hoose.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa si nabad ah ku gaareen deegaanka xarshanleey ee Degmada Barawe halkaas oo Al-shabaab dagaal looga saaray.
“Waxaan ugu mahadcelinayaa Ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan Gobolka sidoo kale waxaan bogaadinayaa Ciidamada DANAB oo Shabaab ka saaray deegaanka ceel saliini ee degmada Markaâ€ayuu yiri Guddoomiye Najax.
Ciidamada Xoogga dalka ee DANAB ayaa shalay dagaal kula wareegay deegaano Cusub oo hootaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.