Saraakiisha Ciidamada Jabuuti oo kamid ah Ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya  ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ay Soomaliya weli ka wadi doonaan howlgalka ay ku dagaalamayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka AMISOM ee qeybta 4-aad ee ka howlgala Gobolka Hiiraan Col,Xasan Jaamac ayaa waxa uu sheegay in inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya ay wadi doonaan howlgal dhinac walbo ah kaas oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku heyso Walaalaheena Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ay fulin doonaan amarkii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle uu ka sheegay Munaasabadii Caleemo-Saarka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle kaas oo ahaa in ay laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dowladda Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya gaar ahaan Gobolka hiiraan ka jooga Ciidamo farabadan oo ku howlgala Magaca Amisom kuwaas oo loo yaqaano hiil-walaal,waxa ayna ku sugan yihiin inta badan degmoyinka Gobolka hiiraan.
Hoos Ka Dhageyso Codka